Dowladdu waxaa ay go’aan ku gaartay in ay xirto xadka Koonfur-bari ee Finland

Golaha wasiiradda waxaa ay go’aan ku gaareen in la xiro qayb ka mid ah xadka bari ee dalka Finland. Goobaha xad ka soo tallaabista magaalooyinka Vaalimaa, Nuijamaa, Imatra iyo Niirala ayaa la xirayaa laga bilaabo 18.11.2023. Codsashada badbaadada caalamiga ah ama magangalyada qaxootinnimo waxaa la isugu geyn doonaa goobaha xad ka soo tallaabista Virtius iyo Salla. Arrinkaan waxaa khamiistii lagu go’aamiyay kulankii ahaa ee ay yeesheen golaha wasiirrada. Go’aanku wuxuu shaqaynayaa ama soconayaa illaa iyo 18.2.2024.

“Waxaan qaadannay go’aan degdeg ah, si aanay xaaladda xadka bari uga sii darin. Sababtaas awgeed ayaa xilligii doorashadii hore ee ugu dambaysay waxaa isbeddel lagu sameeyay sharciga ilaalada xuduudka. Hadda arrimahaas aayaan adeegsannay“, ayuu yiri ra’iisulwasaaraha dalkan Finland Petteri Orpo.

“Xiritaanka la xiray goobaha xuduud ka soo tallaabista ee xadadka bari, waa tallaabo la doonayo in lagu joojiyo dadka sida sharci darrada ah u soo galaya dalka Finland. Dowladduna waxaa ay diyaar u tahay in ay qaaddo waxqabadyo kuwaasi ka sii xoog badan haddii loo baahdo “, sidaasna waxaa tiri wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaan Finland Mari Rantanen.

Waxaa jira arrimo tilmaamaaya in hawlwadeenno ka socda dalal ajnabi oo wafdi ahaan ku yimid Finland iyo hay’ado kale oo hawlo ka waday dalka ay qayb ka ahaayeen ka caawinta iyo u sahlidda in shakhsiyaad ay si sharco darro ah xadka uga soo gudbaan oo dalka u soo galaan.

Xuduudaha Koonfur-bari waa ay xiran yihiin laga bilaabo 18.11.2023

Muddada uu go’aankan shaqaynaayo dadka ka soo gudbaaya dhulka xadka ah ee u dhexeeya Finland iyo Ruushka, waa in ay isticmaalaan wixii aan ka ahayn goobaha xuduud ka soo tallaabista ee Vaalimaa Nuijamaa, Imatra iyo Niirala. Sidoo kale muwaadiniinta finishka ah waa in ay isticmaalaan goobaha xad ka soo tallaabista ee furan.

Codsashada badbaadada caalamiga ama magangalyada qaxootinnimo waxaa la isugu geyn doonaa goobaha xad ka soo tallaabista ee Vartius iyo Salla, halkaasoo dadka isu dayaaya in ay dalka soo galaan loo jihayn doono, islamarkaaa laga hagi doono. 

Go’aanku waa mid ku salaysan sharciga ilaalada xuduudka

Sida uu dhigaayo sharciga ilaalada xuduudka, golaha wasiirada waxaa ay go’aan ka gaari karaan arrinka ku saabsan xirista goobaha xad ka soo tallaabista, haddii xiritaankaas uu yahay mid lagammamaarmaan u ah sidii looga hortagi lahaa khatar aad u weyn oo ku imaanaysa nidaamka guud ee dalka, ammaanka qaranka ama dhibaato khatar ku ah caafimaadka dadka. Sidoo kale golaha wasiirradu waxaa ay haddii loo baahdo go’aamin karaan arrinka ku saabsan, in codsiga badbaadada caalamiga ama magangalyada qaxootinnimo la isugu geeyo hal ama dhowr goobood oo ka mid ah kuwa xad ka soo tallaabista.

Dowladda iyo hawlwadeennaduba si dhab ah ayay ula socon dooonaan horumarka xaaladda xuduudka bari.  Waxyaabaha uu go’aanku ka kooban yahay iyo baaxaddiisaba waxaa loo qiimeyn doonaa si joogto ah, iyadoo arrinkaa lagu salaynaayo hadba sida ay xaaladdu u horumarto. Go’aanka waxaa la burinayaa ama wax laga beddelayaa, haddii uusan mardambe lagaammamaarmaan u ahayn arrinka ku saabsan kahortagga khatar aad u weyn oo ku wajahan nidaamka guud ama ammaanka qaranka.