Dhammaan xadka bariga ee Finland waa la xirayaa

Golaha dowladdu waxaa ay go,aan ku gaareen in ay xiraan barta koontaroolka ee xad ka soo tallaabista ee ku taalla xadka bariga ee Raja-Joosep, xilliga habeennimada ah ee u dhexeeya arbacada iyo khamiista, laga bilaabo 30.11.2023. Sida go’aanka lagu sheegay dhammaan baraha xad ka soo tallaabista ee xadka dalka ee u dhexeeya Finland iyo Ruushka waa ay xiran yihiin illaa iyo 13.12. Magangalyada caalamiga ah lagama soo codsan karo, ama la iska soo dhiibi karo baraha xad ka soo tallaabista ee ku yaalla xadka dalka ee u dhexeeya Finland iyo Ruushka. Arrinkaan waxaa lagu go’aamiyay shir aan caadi ahayn oo ay golaha dowladdu yeesheen 28.11.

- Ruushku waxaa uu suuraggalinayaa xillligaan haatan ah inuu dadka qalabeeyo oo ay ku soo hagaan xadka Finland, iyadoo ay jirto xaaladda aadka u daran ee xilliga jiilaalka ama barafka. Finland waxaa ay qaadanaysaa go’aan rasmi ah oo ay ku joojinayso dhacdadaan, sidaasna waxaa yiri ra’iisalwasaaraha Finland Petteri Orpo.

- Xaaladdaan jirta awgeed, waa lagammamaarmaan in la xiro dhammaan xadka bariga. Go’aankaan waa mid aminga qaranka ee Finland looga ilaalinaayo hawlgalkaan iskudhafka ah ee Ruushku uu wado, sidaas waxaa tiri wasiirka arrimaha gudaha ee Finland  Mari Rantanen.

Dal soo gelitaanka xadka bariga ee Finland ayaa sii socday, inkasta oo arrinkaas hore loo xadeeyay. Sida ay sheegeen golaha dowladda iyo hawlwadeennaduba, dal soo gelitaankaan qalabaysan iyo khtarta ka soo socota ee ah inuu sii ballaarto, ayaa waxaa ay keenayaan halis aad u daran oo soo waajahda amniga qaranka iyo nidaamka guud ee dalka.

Laga soo bilaabo illaa iyo bishii Agost waxaa dalka Finland soo galay qiyaastii kun qof oo ka kala yimid waddamada dunida saddexaad, kuwaaso iyagoo aan wax fiiso ama dalkuggal ah wadan ka soo tallaabay baraha xad ka soo tallaabista ee ku yaala xadka bariga. Inta ugu badan dadkaas waxaa ay magangelyo caalami ah ka codsadeen dalkan Finland.

Xaaladda haatan taagan, dowladdu waxaa ay u aragtaa in ay tahay mid si aad ah u weyn oo aan caadi ahayn sida ay warbixintooda ku caddeeyeen gudiga dastuurka ee baarlamaanka, taasoo ah in xiritaanka muddada kooban ee gabi ahaanba xadka Bariga ay tahay arrin habboon oo lagammamaarmaan u ah sidii arrinkaan loo joojin lahaa, sidoo kalena loo xadayn lahaa dhacadadaan halista aadka u daran ku keeneysa aminga qaranka iyo nidaamka guud ee dalka.

Magangalyada caalamiga ah mar dambe lagama soo codsan karo ama la iskama soo dhiibi karo xadka Bariga

Laga bilaabo 30.11.mar dambe magangalyada caalamiga ah lagama soo codsan karo amaba la iskama soo dhiibi karo baraha xad ka soo tallaabista ee ku yaalla xadka dalka ee u dhexeeya Finland iyo Ruushka. Xuduudaha dibadda ee Finland, waxaa suuraggal ah in magangalyada caalamiga ah laga codsado oo keliya baraha xad ka soo tallaabista ee furan ee cirka iyo badda.

Xittaa muwaadiniinta Finland waa in ay isticmaalaan baraha xad ka soo tallaabista ee furan ee cirka iyo badda.

Go’aankan waa mid ku salaysan xeerka ilaalada xuduudaha

Sida uu dhigaayo xeerka ilaalada xuduudaha, golaha dowladda waxaa ay go’aan ka gaari karaan arrinka ku saabsan xirista goobaha xad ka soo tallaabista, haddii xiritaankaas uu yahay mid lagammamaarmaan u ah sidii looga hortagi lahaa khatar aad u weyn oo ku imaanaysa nidaamka guud ee dalka, amniga qaranka ama dhibaato khatar ku ah caafimaadka dadka. Sidoo kale golaha dowladdu waxaa ay haddii loo baahdo go’aamin karaan arrinka ku saabsan, in codsiga badbaadada caalamiga ama magangalyada qaxootinnimo la isugu geeyo hal ama dhowr goobood oo ka mid ah baraha xad ka soo tallaabista.

Dowladda iyo hawlwadeennadeedaba si feejignaan leh ayay ula socon doonaan arrimaha ka soo cusboonaada xadka bari ee dalka. Finland waxaa xil ka saaran yahay oo ay ilaaninaysaa aminga xuduudaheeda, nidaamka guud ee dalka iyo amniga qaranka.