Finland waxaa ay u diyaargaroobaysaa ka hortagga dal soo gelitaanka qalabaysan, iyadoo adeegsanaysa sharci cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ansixiyay 16-ka bisha Luulyo sharci cusub oo ku saabsan tallaabooyin kummeelgaar ah oo looga hortagaayo dal soo gelitaanka qalabaysan. Hadafka laga leeyahay sharcigaan xoojinta ammaanka xadka waa sidii loo xaqijin lahaa, in Finland ay ka jiraan qaabab wax ku ool ah oo looga hortagi karo, xaaladaha ah dal soo gelitaanka qalabaysan ee lagu doonaayo in lagu cadaadiyo dalkaan Finland, islamarkaana loo diyaargaroobo xaaladaha kuwaas ka sii adag ee dal soo gelitaanka qalabaysan.

Sharciga waxaa ku xusan shuruudaha, kuwaasoo sida lagu qeexay ay fadhiga guud ee golaha dowladda ku go'aamin karaan xaddidaadda aqbalaadda codsiyada magangalyada caalamiga ah ee qayb xaddidan oo ka mid ah soohdinta qaranka Finland iyo agagaarka u dhow.  Go'aanka xaddidaadda waxaa ka horreeya la-shaqeynta madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Soo bandhigista sharciga waxaa keena sababo gaar ah oo leh xaalad aan caadi ahayn, islamarkaana khasab ka dhigaysa in sharciga la soo bandhigo. Waxaase shardi ah mar walba in la hayo macluumaad ama tuhun lagu saleeyay asbaabo muujinaaya in dal shisheeye ah uu leeyahay saamayn ku soo wajahan dalka Finland, taasoo khatar weyn ku ah madaxbannaanida Finland iyo amniga qaranka, islamrkaana qaababka kale ee waxqabad aaanay ahayn kuwo ku filan xal ka gaarista arinka. Go'aanka waxaa la gaari karaa ugu badnaan hal bil markiiba.

Codsiyada magangalyada caalamiga ah, marka laga reebo kuwo gaar ah, laguma aqbali doono aagagga la xaddiday, laakiin waxaa laga hortagayaa dal soo gelitaanka qalabaysan ee qofka soo galootiga ah ee loo adeegsanaayo qaabka saamaynta leh. Qofkii dalka soo galay islamarkiiba waa laga saarayaa dalka, waxaana lagu hagayaa inuu u wareego goobta lagu aqabalaayo codsiyada magangalyada caalamiga ah.

Sharcighu wuxuu dhaqan gelayaa 22.7.2024, waxaana uu shaqayn doonaa muddo sannad ah.

Finland waxaa ay diyaarinaysaa sharciyo wax looga qabanaayo xaaladaha aadka u adag

Khatarta dal soo gelitaanka qalabaysan ee ka bilaabatay xadka bari ee Finland sannadkii 2023-kii, sida ay la tahay hawlwadeennada dowladda, waa mid weli aad u sarraysa. Goobaha xad ka soo tallaabista ee u dhexeeya Ruushka iyo Finland weli waa ay xiran yihiin.

Dal soo gelitaanka qalabaysan waa mid ka mid ah qaababka uu Ruushku ku doonaayo inuu ku cadaadiyo islamarkaana uu saamayn ugu yeesho amniga iyo xasilloonida Finland iyo waddamada ku bahoobay ururka Midowga Yurub. Xadka bari ee Finland waa xadka ugu dheer ee dal ka tirsan Midowga Yurub iyo gaashaanbuurta Nato uu la wadaago dalka Ruushka. Finland waxaa ay sharcigaan ugu diyaargaroobaysaa arrinka ah, in cadaadiska Ruushka ee ku wajahan Finland ay dhici karto inuu noqdo mid dabadheeraada, islamarkaana yeesha qaabab kuwii hore ka ballaaran oo ka khatar badan.

Arrinka laga hadalaayo waa sharci degdeg ah. Iyadoo la adeegsanaayo sharciga degdegga ah, ayaa dastuurka dalka waxaa lagu samayn karaa xaddidaado gaar ah oo ku salaysan sababo khasab ka dhigaaya isbddelkaas. Sharcigu wuxuu tixgelin gaar ah siinayaa xaaladaha dadka ku sugan heerka aad u nugul ee daciifka ah. Inta ay falanqayntu socoto, waxaa sharciga lagu kabayaa qawaaniin xoojinaysa xuquuqda badbaadada.

Xilligii lagu guda jiray diyaarinta sharcigaan waxaa qiimayn lagu sameeyay dhammaan fursadaha kale ee suuraggalka ah ee looga hortagi karo dal soo gelitaanka qalabaysan. Sida qiimayntaas lagu caddeeyay suuraggal ma ahan in qaababkaas kale si wax ku ool ah looga hortago dal soo gelitaanka qalabaysan ee lagu cadaadinaayo Finland, sababtoo ah qaanuunka dalka iyo kan caalamiga ahba kuma jiraan qaabab si ku filan arrinkaan wax looga qaban karo. Hadafka Finland waa sidii lagu heli lahaa xalal heer Midowga Yurub ah oo looga hortagi karo dal soo gelitaanka qalabaysan.